Golaha Sharci-dejinta Minnesota wuxuu aasaasay Golaha La-talinta Adeegyada iyo Taageerada Muddada Dheer (LTSS) (Golaha) si loo aqoonsado istaraatiijiyadaha lagu dhimayo kobaca kharashka ee LTSS iyo in la soo saaro istaraatiijiyado wax ku ool ah oo ay tixgeliyaan Golaha Sharci-dejinta. Golaha waxaa ku jira wakiillo ka socda shakhsiyaadka hela LTSS, daryeelayaasha qoyska, bixiyeyaasha, iyo ururada shaqaalaha. Marka ay aqoonsadaan oo ay dhammaystiraan talooyinka loogu talagalay Sharci-dejinta, Goluhu wuxuu qiimeeyaa:
- Fayoobida ka qaybgalayaasha iyo shaqaalaha,
- Xasilloonida iyo sugnaanta dhaqaale ee LTSS-ka Minnesota,
- Helitaanka ka qaybgalka adeegyada iyo xulashooyinka, iyo
- Tayada nolosha ee ka qaybgalayaasha.
Sababta Xog uruurintaan: Xog uruurintaan waxay macluumaad ka ururin doontaa iskaashatada, qoysaska, iyo shakhsiyaadka ay saameysay LTSS. Jawaab celinta la bixiyay waxay ka caawin doontaa Golaha La-talinta ee LTSS inay qaabeeyaan talooyinkooda ugu dambeeya ee kaydinta kharashka.
Kaydinta kharashka waxaa lagu heli karaa iyadoo la hagaajinaayo heerarka u-qalmitaanka, la yareeyo ama dib loo eego noocyada ama tirada adeegyada la bixiyo, iyo/ama la hagaajiyo heerarka bixiyaha. Jawaab celintaada waxaa dib u eegi doona Golaha La-talinta LTSS ka hor inta aysan dhammaystirin talooyinkooda.
Waxaad xog aruurinta u badeli kartaa Hmong, Ruush, Soomaali, ama Isbaanish adiga oo dooranaya liiska luuqada ee ku yaala geeska kore ee midig, astaanta aduunka ay ka muuqaneyso geeska "Ingiriiska".
Sidoo kale waxaad daari kartaa Nidaamka Araga Hoose leh adiga oo isticmaalaya astaanta isha ee isla geeska ku taala. Nidaamkaan wuxuu kordhiyaa aragtida, cabbirka farta, iyo heerka farta si xog aruurinta si fudud loogu arko.
Dhammaan jawaabaha la bixiyay waa qarsoodi, waadna ka boodi kartaa su'aal kasta oo aadan rabin inaad ka jawaabto. Waan ka mahadcelineynaa jawaab celin kasta oo aad diyaar u tahay inaad bixiso.