Magaalada Seattle waxay kugu martiqaadaysaa inaad ka qayqaadato sahan 15-daqiiqo ah si aad gacan uga geysato qaabaynta mustaqbalka ee xaafadda Graham. Waxaan sameynayna Qorshaha Aagga Saldhigga xaafadaha ku hareereysan Saldhigga Waddada Graham ee mustaqbalka. Waxaan rabnaa inaan wax badan ka ogaano waxa adiga kuugu muhiimsan, si aan gacan uga geysano qaabeynta Goobaha dadweynaha, guriyeynta, gaadiidka, iyo sii jiritaanka ganacsiyada yaryar ee xaafadda.
Sahankan wuxu si qoto dheer u qodaya himilada iyo mudnaanta aan ka maqalnay bulshada Graham 2019 -
Waddada Graham: Aragtida Xaafadda ee Bulshada - si aad u xaqiijiso waddo casriya oo ka tarjumaysa mudnaantaada iyo aragtida mustaqbalka.
Fadlan ogow in sahankani uu diiradda saarayo xaafadaha ku xeeran saldhigga ee maaha saldhigga laftiisa. Sound Transit waxa ay qorshaynaysaa in ay dhisto saldhiga sanadka 2031. Si aad wax badan uga barato naqshadeynta iyo dhismaha Saldhigga Waddada Graham, fadlan booqo Websiteka Sound Transit's
.