To select your language, please click the globe icon in the upper right corner.
请点击右上角的地球图标选择语言。
Si aad u dooratid luuqadaada, fadlan riix sumada wareega ah (globe) ee ku taal geeska sare ee midig.
Para realizar la encuesta en español, haga clic en el botón con el símbolo del mundo en la parte superior de la pantalla a la derecha.
ነዚ ዳህሳሳዊ መጽናዕቲ ብቋንቋኻ ንምውሳድ፡ ነታ ኣብ ላዕለዋይ የማናይ ሸነኽ ናይ'ዚ ገጽ ዘላ ምልክት ሉል ዓለም ቁልፊ ጠውቕ።
Để chọn ngôn ngữ của quý vị, vui lòng nhấp vào biểu tượng quả địa cầu ở góc trên bên phải.
Waad ku mahadsan tahay la wadaagista fikradahaaga.
Xaafadda Graham waxay hoy u tahay dad ka soo kala jeeda dhaqamo iyo luuqado badan. Qoysaska qaar ayaa halkan deggenaa muddo dhowr fac ah, halka qaar kalena ay halkan u soo guureen dhowaanahan. Dadku waxay halkan u yimaadaan inay ku noolaadaan, ka shaqeeyaan, wax ku bartaan, ku cibaadaystaan, iyo inay waqti isla qaataan.
Qiyaastii toban sano ka hor, xubnaha bulshada ayaa nala wadaagay aragtidooda ku saabsan sida ay tahay in xaafaddu u korto markii tareenka fudud uu yimid Graham.
Seattle Department of Transportation (Waaxda Seattle ee Gaadiidka, SDOT) waxay la shaqaynaysaa bulshada si ay u qorsheeyaan horumarinta gaadiidka meelaha u dhow saldhigga tareenka fudud ee mustaqbalka ee ku yaalla MLK Jr Way S iyo S Graham St.
Diiradda xog aruurintan
Xagaagii 2025, waxaan weydiinay bulshada arimo ku saabsan baahiyaha gaadiidka. Iyadoo lagu salaynayo ra'yi-celintaas, waxaanu diyaarinay dhawr fikradood oo mashruuc oo hore oo ku yaalla Aagga Saldhigga Jidka Graham iyo Rainier Valley. Mashaariicdan waxay ujeedadoodu tahay inay dadka ka caawiyaan inay gaaraan saldhigga tareenka fudud ee mustaqbalka iyo inay hagaajiyaan isku xirka guud ahaan xaafadda. Ra'yigaaga ayaa naga caawin doona inaan fahamno waxa si fiican u shaqeynaya, waxa laga yaabo inay maqan yihiin, iyo halka diiradda lagu saarayo maalgashiyada mustaqbalka.
Fadlan dib u eeg fikradaha mashruuca ee hoos ku qoran oo sheeg fikirkaaga.
Jawaabaha aad bixiso waxaa laga yaabaa in lala wadaago dadka kale sida uu qabo sharciga. Si aad wax badan uga ogaato, fadlan eeg Sharciga Diiwaanka Dadweynaha (RCW Cutubka 42.56). Balanqaadka Qarsoodi Ka Dhigista ee Magaalada ayaa sharxaya sida aan u maareyno macluumaadka aad na siiso.
