Khadka RapidRide I wuxuu imaanayaa koonfurta King County!
King County Metro wuxuu diyaarinaayaa inuu dhiso 17 mayl adeega RapidRide oo cusub lagana dhisaayo magaaloyinka Kent, Renton, iyo Auburn. Dhismaha wuxuu bilaabanayaa Dayrta 2025.
Waxaan rabnaa inaan ku maqalno!
Dhismaha wuxuu sababi karaa isbaddelo ama carqalado ku meel gaar ah oo ku saabsan galitaankaaga ama qaabkaaga safarka ee waddada Khadka RapidRide I. Jawaabahaaga su’aalaha soo socda waxay naga caawin doonaan inaan yareeyno saamayntan, inaan horay kuu la soo xiriirno, iyo inaan kuu diyaarinno baddelo kale oo tixgelineed.
Fadlan ka jawaab sahankan kahor 18-ka August, 2025.
Booqo websaytka mashruuca si aad wax badan uga ogaato Khadka RapidRide I. Si aad u hesho wararka cusub ee mashruuca la xiriira, riix halkan.
Si aad sahankan uga qaadato luqad kale, riix astaanta adduunka ee geeska sare ee midigta bogga.
Dhismaha wuxuu ka dhici doonaa waddada lagu muujiyey khariidadda dhanka midig.
Fadlan buuxi sahanka haddii:
- Aad ku nooshahay ama si toos ah ugu safarto waddada Khadka RapidRide I (Qofkiiba hal jawaab).
- Waxaad ka jawaabi kartaa su’aalaha la xiriira dhismaha adigoo wakiil ka ah ganacsi, hay’ad, ama urur kale oo ku yaalla waddada Khadka RapidRide I (hal jawaab goob kasta). Tani waxaa ka mid ah maqaayado, isbitaalo, hay’ado waxbarasho, ganacsiyada tafaariiqda, dhismooyinka isdul saarka ah (apartment), iyo kuwo kale.
Haddii aad jeceshahay in aad ka jawaabto
labadaba adigoo matalaya ganacsi, hay’ad, ama ururo kale
iyo adigoo ah qof degan ama ku safra aagga, fadlan isticmaal jawaabaha sahanka ee kala duwan.